Marwada Murshaxa Madaxweynaha Waddani Oo Galabta Agab Ciyaareed Guddoonsiisay Kooxaha Kubadda Cagta Ee Xaafadda Daami Ee Hargeysa+Sawiro

0
Tuesday November 22, 2016 - 21:39:20 in Faalooyin by Super Admin
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Murshaxa Madaxweynaha Waddani Oo Galabta Agab Ciyaareed Guddoonsiisay Kooxaha Kubadda Cagta Ee Xaafadda Daami Ee Hargeysa+Sawiro

    Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo/Maamo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo/Maamo.

Farduus Maxamed Rooble, ayaa galabta deeq agab ciyaareed ah oo iskugu jirta Kubaddo, Kabo iyo weli ba Garamaan, waxa ay ku wareejisay Toddoba Kooxood oo ka mid ah dhallinyarta kubadda ciyaarta ee ka jira xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa.

Waxaana xaflad ballaadhan oo xaafadda Daami looggu sameeyey wareejinta Agabkan ciyaareed ka soo qeyb-galay Marwo/Maamo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee Xisbiga WADDANI Marwo.Milgo, guddoomiyeyaha garabka haweenka ee gobalka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xoghaye ku xigeenka ciyaaraha, xoghayaha caddaaladda, xoghayaha dalxiiska iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badna ku waasi oo iskugu jira haween iyo dhallinyaro.

 

Marwo Faduus Maxamed Rooble, ayaa markii ay halkaas soo gaadhay, waxa gacmo furan iyo mashxarad ba ku qaabilay boqolaal ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka Xisbiga WADDANI ee xaafadda DAAMI oo muujinaayey sida ay hilowga ugu qabaan in Xisbiga WADDANI uu ku guulaysto talada dalka, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan sida oo kale na ku soo dhaweynaayeen Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo Xoghayaha Dalxiiska Mubaarik Cabdi Xasan(Buuni) oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey deeqda qalabkan ciyaareed ee ay Marwo Farduus Maxamed Rooble ku wareejinaysay dhallinyarta Xaafadda DAAMI, waxaana ay sheegeen in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbi la dareen ah shacabi ku dhaqan xaafadda DAAMI oo hore ugu soo hungoobay Xisbiga KULMIYE ee mudda xilleedkiisu sii dhammaanayo, waxaana ay ku dhalliileen in Xisbiga KULMIYE aanu waxba tarin dadka ku nool xaafadda DAAMI iyo guud ahaan ba meel kasta oo ay Somaliland ka joogaan beelaha Gabooye.

"Farxad weyn bay noo tahay in maanta Marwada Mustaqbalka ee Murshaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI ay iyada oo lugaheeda ku soconaysa ay soo booqato xaafadda DAAMI, waxa aanu ku faraxsanahay in iyada oon xilkii qaban ay soo xasuusanayso dadka ku nool xaafaddan oo hore xurmo iyo ixtiraam ba uga Xukuumadda gabalkeedu sii dhacaayo ee KULMIYE. Xisbiga WADDANI waa Xisbiga kaliya ee maanta hiilka u ah shacabkan la hayb sooco ee ku kala nool dhammaan ba goballada dalka.”.Ayey yidhaahdeen Haldoor Barkhad iyo Mubaarik Buuni.

Guddoomiye ku xigeenka shannaad ee Xisbiga WADDAN, Xoghaye ku xigeenka Ciyaaraha WADDANI,guddoomiyaha dhallinyarta heer qaran ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha garabka dhallinyarta, xubno ka tirsan garabka haweenka heer qaran, guddoomiyaha haweenka ee gobalka Maroodi-jeex, Marwo Saado Dheer iyo mas’uuliyiin kale oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in meelaha uu Xisbiga WADDANI sida weyn u tirsanaayo ay ugu horreyso xaafadda DAAMI oo xaafad caan ku ah isbedelka, waxa se ay muujiyeen in marka ay talada dalka qabtaan wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Xaafadda.

Marwo/Maamo.Farduus Maxamed Rooble oo iyadu na dhankeeda halkaas hadal kooban ka jeedisay, ayaa sheegtay in ay farxad weyn u tahay in xaafadda DAAMI ay soo booqato si ay wax badan uga oggaato xaaladdooda nololeed, waxaana ay tilmaantay in ay ku faraxsan tahay in ay agab ciyaareed ay soo gaadhsiiso dhallinyarta ku nool xaafadda DAAMI oo ay sheegtay in ay yihiin kuwo ay si weyn u hagratay Xukuumadda KULMIYE, iyada oo carabka ku dhufatay in haddii Alle qadaro marka Xisbiga WADDANI uu ku guulaysto talada dalka ay wax weyn ka qaban doonaan baahiyaha ka jira xaafadda DAAMI.

"Galabta, waxa farxadweyn ii ah in aan soo booqdo Xaafadda DAAMI oo ah meelaha ugu mudan ee ay ahayd in Xukuumaddu ay wax ka qabato baahiyaha ka jira, waxa aan u socdaa in aan wax ka oggaado baahiyahii na waxna aanu ka qabano marka Xisbiga WADDANI ku guulaysto talada dalka, waxa kale oon halkan idiin ka sheegayaa in aanu dhallinyarta u sidno agab ciyaareed aanu ugu tallo-galnay u isticmaalaan ciyaarahooda, marna ba agabkani ma noqonayo midkii ugu horreeyey ugu na dambeeyey ee aanu idin soo gaadhsiinayno, hase yeeshee waxa aad tihiin dad iyo dhallinyaro ka mudan intan yar ee aanu idiin keenay, waxa aad istaahishaan in Garoomo lagu ciyaaro la idiin sameeyo, guud ahaan wax badan laga qabto baahiyaha ka jira Xaafadda DAAMI oo aau si weyn u tirsnayno haddaanu nahay Xisbiga WADDANI.”.Ayey tidhi Farduus Maxamed Rooble

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip