Deg-Dag:-Jabhad Hubaysan Oo Galabta Laga Ga Dhawaaqay Duleedka Laascaanood+ Tuhuno La La Xidhiidhinaayo In Ay Ka Dambayso Madaxtooyada Oo Doonaysa Dib-U-Dhac Mar Kale Ku Yimaada Doorashada+Muuqaal

0
Tuesday November 22, 2016 - 21:23:34 in Faalooyin by Super Admin
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg-Dag:-Jabhad Hubaysan Oo Galabta Laga Ga Dhawaaqay Duleedka Laascaanood+ Tuhuno La La Xidhiidhinaayo In Ay Ka Dambayso Madaxtooyada Oo Doonaysa Dib-U-Dhac Mar Kale Ku Yimaada Doorashada+Muuqaal

    Jabhad hubaysan oo la magac baxday Jabhadda dib-u-xoreynta goballada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta laga ga dhawaaqay duleedka bari ee magaalada Laascaanood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhad hubaysan oo la magac baxday Jabhadda dib-u-xoreynta goballada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta laga ga dhawaaqay duleedka bari ee magaalada Laascaanood.
Kooxdan hubaysan oo sheegtay in ay hore uga tirsanaayeen Kooxda Khaatumo, ayaa wararka tuhunada ahi waxa ay sheegayaan in abaabulka kooxdaas iyo abuuritaankooda ba ay ka dambeyso Madaxtooyada Somaliland oo doonaysa dib-u-dhac mar kale ku yimaada Doorashada Madaxtooyada Somaliland, isla mar ahaantaana ay tallaabooyinkani ka mid yihiin waxyaabahii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo weli ba sida oo kale Cali Khaliif Galaydh kaga wada hadleen magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya oo dhawaan ay kulan ku wada qaateen.


Dhanka kale, waxa xus iyo xasuus ba mudan in wakhtigan oo kale sannadkii hore xiligii ay soo fooda innagu soo haysay Doorashada Madaxtooyada Somaliland ka hor intii aan mudo kordhin loo samayn ay Xukuumaddu sidan oo kale u abuurtay Maleeshiyo iyadu na wakhtigaas ka dagaalamaysay dhinaca Galbeedka Somaliland oo uu hoggaaminaayey Suldaan Wabar, taas oo qeyb ka ahayd waxyaabahii dib u dhaca ku keenay Doorashooyinkii Wakiilada iyo Madaxtooyada Somaliland.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip