Magacyada Abaarahii Soo Maray Somaliland 1914kii Illaa 2016(Xaarama-Cune Ilaa Kulmiye)

0
Tuesday November 22, 2016 - 19:31:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Abaarahii Soo Maray Somaliland 1914kii Illaa 2016(Xaarama-Cune Ilaa Kulmiye)

    Sanadkan 2016 waxa lagu xasuusan doona, loona bixin doona sanadkii Kulmiye ee Abaarta & Tahriibta . Wuxuu yidhi abwaan Cali Sugule :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkan 2016 waxa lagu xasuusan doona, loona bixin doona sanadkii Kulmiye ee Abaarta & Tahriibta . Wuxuu yidhi abwaan Cali Sugule :
Sanad waliba hoodiyo,
Hawl iyo dhibaatiyo,
wuxuu hadimo leeyahay,
Waa laga helayoo,
hadhow lagu xasuustaa.

Waa sanadkii dhalinyaro Somalilanders oo kor u dhaafaysa 300 ay ku halaagmeen badyarta " Miditeraanyanka ". Dhalinyaradaasi kamay qaxin colaad iyo dagaal sokeeye. Waxa eryay rajo xumo " hoplesssness , maamul xumo iyo cadaalad darro. Waxa baro kiciyay Dawladda Murdiso oo xaraashtay dhulkii ay ku ciyaari lahaayeen, maktabadahii ay wax ku akhrisan lahaayeen iyo Dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen. Waxa tahriibisay dawlad u adeegta dibirka iyo maga-fayaasha dhaqaalaha kuna tumata danyarta iyo dibjirka. Waxaan shacbiga Somaliland xasuusinyaa in sanadkan 2016 yahay kii ugu xumaa ee ina soo maraa 100kii sandood ee ugu danbeeyay . Sanadakan waxa ina soo maray laba abaarood oo kala danbeeyay Gugii & dayrtan . Waxa badaha ku nafwaayay 300 oo dhalinyaro ah. Hadaba , taariikhda Sanadahii ugu adkaa ee soo mara Somaliland iyo magacyadii loo kala bixiyay waxay ahaayeen :
1) Xaarama Cune 1914
2) Hawaara 1923
3) Adhi-Gaba 1934
4)Jiitama 1945
5) Siiga Case 1954
6) Gaadhi-gaadhisaar 1964
7) Daba-dheer 1974
8)Dhibijaale 1984
9)Kulmiye 2016.
 
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip