Musharraxa kulmiye miyuu waayey cv ama wax uu hor geeyo ummadda wax dooranaysa, aan ka ahayn mujaahidnimo?

0
Tuesday November 22, 2016 - 19:29:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraxa kulmiye miyuu waayey cv ama wax uu hor geeyo ummadda wax dooranaysa, aan ka ahayn mujaahidnimo?

    Ma jirto cid Dafirsan ama u diiden Muuse Biixi Cabdi, inuu soo Halgamey laakiin wuxuu ilowsan Yahay iney hortii ku dhaceen doora Shooyinkii dalka ka soo dhacay, Mujaahidiin isaga kaga qiimo Badnaa xaggii halganka ama SNM, Sida Xasan Ciise Jaamac oo i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jirto cid Dafirsan ama u diiden Muuse Biixi Cabdi, inuu soo Halgamey laakiin wuxuu ilowsan Yahay iney hortii ku dhaceen doora Shooyinkii dalka ka soo dhacay, Mujaahidiin isaga kaga qiimo Badnaa xaggii halganka ama SNM, Sida Xasan Ciise Jaamac oo iska Sharraxay ururkii XAQSOOR, iyo Ibraahim Dhegaweyne oo iska Sharaxay ururkii UDHIS, mida kale Muuse Biixi miyuu ilaawey Shirkii Burco ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku kala doortey Murrashaxiinta, inuu ka coddeeyey Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo Ahaa ninkii loogu bixiyey SNM-ta TOLWAA, isla markaana u coddeeyey Cabdiraxmaan Seylici oo ay maal Mahaa is barteen.
W/Q: Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

AHN abwaan Cabdi Gahayr waxa laga hayey; "Ha Tilmaamin Aakhiro Waxaad, Tacabtay Baa Yaalle.”

intaas haddaan Ka gudbo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayey ka Muuqataa iney fahmi kari waayeen Shaxda siyaasaddeed iyo godadka Uu degeyo Cabdiraxmaan Ciro, Saddexdii xafladood ee xisbiga Waddani ku kala qabsaday Huteellada, Ambaasodor, Guuleed, Iyo Maansoor ayaa ka mid ahayd Farriimaha siyaasadeed ee xisbiga Waddani u gudbinayo dhiggiisa Kulmiye, shanta god ee Cabdiraxmaan Ciro guurey shaxda Siyaasada sida, gudoomiye Cabdiqaadir Jirdi, Hoggaamiye Xirsi, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Siyaasi Ismaaciil Buuba iyo ku xigeenka Murrashaxa xisbiga Waddani Maxamed Cali, ayaa ah Talaabo soo dhaweysey guusha Xisbiga Waddani waana sababta Keentey in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin si toosa war Baahinta uuga Weerrareen Siyaasiyiinta ku biirtey xisbiga Waddani, gaar ahaan Ismaaciil Buubaa, waxaanay ka yidhaahdeen War baahinta, xoqaya ereyo xanaf Iyo hibasho colaadeed ka muuqato, Ismaaciil Buubaa wuxuu Ka yimi Soomaaliya, ilamaha Hogaanka xisbiga Kulmiye iney yihiin kuwii sooba hadal qaadi Lahaa Soomaaliya, waayo cida Maanta Soomaaliya for fadhidaa Waa Xisbiga Kulmiye, Cida soo Saxeexdey is dhexgalkaa Shaacbiga dalka Soomaaliya iyo Shacbiga JSL isla Markaana Konton odey oo Muqdisho ka yimi Ku qaabishey m/tooyada JSL waa Xisbiga Kulmiye,


Cida xafiiskii hawada JSL Muqdisho wareejisey waa xisbiga Kulmiye, cidda qadiyaddii iyo Qaranimadii JSL lacag ku Beddeletey waa xisbiga Kulmiye.

 

Waxaan ku soo xidhayaa, haddii Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Inna Leeyihiin Axmed Siilaanyo ayey Keli ku tahay oo kullamo jirno, Hasoo fadhiistaan war baahinta, Haddiise ay la qabaan oo siyaasadda Xisbiga Kulmiye sidaa tahay, waxay La mid tahay nin guri quraarada ku Jira oo haddana guryaha kale Dhagax ku tuuraya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip