Mahadhadii mujaahid tallaabo. W/q.axmed nuur guruuje

0
Tuesday November 22, 2016 - 19:15:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahadhadii mujaahid tallaabo. W/q.axmed nuur guruuje

    Yuusuf Ciise Ducaale , oo ku magac dheeraa , Mujaahid Talaabo , wuxuu ka mid ahaa , siyaasiyiinta Somaliland , kuwooda ugu aftahan san uguna codkarsan ee gole hanashada leh .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Ciise Ducaale , oo ku magac dheeraa , Mujaahid Talaabo , wuxuu ka mid ahaa , siyaasiyiinta Somaliland , kuwooda ugu aftahan san uguna codkarsan ee gole hanashada leh .
Marxuumka oo xirfadiisa horre ahayd macalin , suugaanta carabiga iyo soomaaligana aad u yaqaanay , wuxuu hadalkiisa u adeegsan jiray ,kayd balaadhan oo suugaaned oo labadda af ee carabiga iyo soomaaligaba leh .
Markuu hadlayo ,dadku hadalkiisa si isku mida bay u dhagaysan jireen , mid taageersan iyo mad kaleba , sababtuna waxay ahayd , af-tahan nimada iyo codkarnimada eebe hibada u siiyay .

Hadaba , Marxuumka mahadhooyinkiisii Taariikhda galay , maanta sheeko kooban baynu kasoo qaadaynaa , oo nuxurkeedu sidan yahay .
Sanadii 1997, ayaa Marxuumka loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Duqa Degmada Ceergaabo , sidoo kale , Madaxwaynihii waagaas , Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal , Wuxuu marxuumka siiyay , baabuurkiisii Landcruiserka ahaa .
Marxuumka markii la magacaabay in muddo ah , ayuu Hargaysa ku sugnaa isagoo sugayay in la amba bixiyo , si uu gobolkii u tago , iyadoo xiligaasi ahaa , kasoo doogoo , Dagaaladii sokeeye , Sanaagna aan maamul ka dhisnayn .


Marxuumka mudadii baa ku dheertaay , ka dibna maalin maalmaha ka midda ayaa Wargayska Jamuuriya waraysi la yeeshay , mujaahidka , erayadii mahadhada noqday , ee maalintaa Mujaahidka lagga qoray waxa ka mid ahaa :-
” Waxaanu ka nimi xidig cad , adeer cad , iyo duni cad , waxaanu u nimi , adeer madow , xidig madow iyo duni madow , dhiigaygina shaybaadhka ayuu ku maqan yahay ”

Ereyadaa Marxuumku wuxuu ula jeeday , isagoo ka waramaya anigu kolay maan maqlin , lkn waxay noqdeen , hal-xidhaale fahankoodu adkaaday .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip