Haddii muuse la doorto mar labaad buuraha, subxaan!!. W/q.dr's.hoodo yuusuf

0
Tuesday November 22, 2016 - 18:58:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii muuse la doorto mar labaad buuraha, subxaan!!. W/q.dr's.hoodo yuusuf

    Hadalka layskama dhaho iyo wayga soo dhacaye, Asagoo dhagaxyo waa-wayn ka culus waan dhugsiin jiriye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalka layskama dhaho iyo wayga soo dhacaye, Asagoo dhagaxyo waa-wayn ka culus waan dhugsiin jiriye.
Alaylahi Duqa Magaalada Burco, Mayor Muraad, hadal dhagaxyo waa-wayn ka culus ayuu dhawaan dhugsiiyay, markii uu ku tiraabay in haddii Col Muuse Biixi la doorto Somaliland ku danbayn doonto ‘MAR LABAAD IYO BUURAHA ". Mayor Muraad soomo araaran , manu afeef-dhigan , hadalkuna kamo soo dhicin ,balse wuxuu yidhi asagoo xiskiisa iyo maankiisaba qaba oo dhamaystiran . Mayor Muraad, wuxuu ka mid ahaa rukumada waawayn ee Kulmiye ku tirsanyahay , siiba Gobolka Togdheer. Hadalkaa kasoo yeedhay Mayor Muraad, wuxuu tilmaamayaa garaadka siyaasadeed ee bulshada Somaliland oo soo kobcaaya oo kala saaraaya runta iyo huhaada , qabiilka iyo qaranka. Waxay garteen halka ay danto ku jirto. Waxay arkaan Somaliland oo gashay gudoon siyaasadeed "political isolation” haddii Col. Muuse qabtana uu ku ridi doono god madow ” Black hole ". Shacabka Somaliland , oo Mayor Muraad ugu horeeyo, waxay kala dooran doonaan Nabad & colaad; Qalin & Qori ; Diktoor & Dable ; Diploomasi & Dagaal Ooge. Mayor Muraad, hadalkiisa si degan ayuu uga fiirsaday, si cadna wuu u yidhi. Laakinse, waxa dhici doonta inuu sidii Wasiir Cukuuse ka noqdo hadalkiisa oo yidhaahdo sidaas umaan jeedin ee waa la majar-habaabiyay . Bal aan eegno Mayor Muraad iyo berito.


Qalinka : Drs Hoodo Yusuf , Uk, London.
yhoodo@yahoo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip