Xisbiga Kulmiye Waxa Aan Ku Xasuusan Doonaa…… Qaybtii Labaad

0
Tuesday November 22, 2016 - 18:48:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Waxa Aan Ku Xasuusan Doonaa…… Qaybtii Labaad

    "Aniga oo aan xisbi siyaasadeed ku jirin, isla markaa, aan kala jeclayn, saddexda xisbi Qaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aniga oo aan xisbi siyaasadeed ku jirin, isla markaa, aan kala jeclayn, saddexda xisbi Qaran.
Waxa aan ka badheedhayaa in aan dhacdooyinkii xusuus reebyada ahaa ee xisbiga hoggaanka haya ee Kulmi barbarka bidix iska-taago.Waxa aanan is-tusay in aan xaq u leeyahay barta aan iska taagayo, sidoo kale ciddii midigta fog iska- taagaysanaa xaq bay u lahayn.Cabdinaasir Axmed Abraham.

Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa:

1.Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa. Qarannimo Sumal-xadday!
2.Tallaalka, kobcinta, beeridda,tarminta iyo baahinta qabyaaladda.
3.Muddo kordhin iyo doorashooyin shin-dhaafay ama uur-ku-raag ah.
4.Madax baabuurta rasaastu aanay karin ku xarragoota, shacabkooduna qiimo-barar,harraad iyo macaluul miyi iyo magaala ba ugu dhammaadaan!
5.Lumintii kala dambayntii iyo maamuuskii sharafka dawladnimo ee indho la saaro tan iyo aas aaskii Jamhuuriyadda Somaliland.
6.Dumar ceelalyo iyo mus-dambeed qaranka u ah oo taladu iyaga ka soo go’do!
7.Mashaariic la-tahriibiyo oo aan goleyaasha qaran la hor keenin”Haamaha-shidaalka”
8.Dan qoys oo dan qaran loo ekeysiiyo”DP world-Berbera”
9.Baarlamaan caloosha laga gumaysto.
10.Kharashkii ugu badnaa ee qaranka hudheello iyo xaflado lagu jaaso kaga baxa.
11.Wasiirro iyagoo caydh ah xilka qabtay, haatanna ka hodmay xatooyada xoolaha ummadda.
12.Xaraashkii hantidii qaran ee ugu laxaadka weynayd muddo ku siman 25 Sanno.
13.Xisbi Xaakim wakhtigiisa, hantidiisa iyo maskaxdiisa ugu badan galiya burburinta iyo khilaaf ka dhex aloosidda xisbiyada kale ee Qaranka.
14.Wasiirro Tuug ah haddana salaadda safafka hore gala!
15.Afartan jirro 40-Malyuun oo lacagta Maraykan ah dhacay!
16.Korodh miisaaniyadeed oo aan barako lahayn, cidna wax ba ka dheefin.
17.Wasiirro sheegta aqoon-yahanno oo aan warqad Af -Soomaali ah qori karin!
18.Siddeetan konteenar oo macdan ah oo muunad ahaan debedda luugu diro’Wasaaradda Macdanta!’
19. Burburka aqoonta dugsiyada dawladda.
20. Casuumadihii ciidda ka badnaa ee dhiiri-gelinta tahriibta iyo qalbi-jebinta"Qolqol-joogta”
21.Xadhiggii ugu badnaa ee suxufiyiinta iyo warbaahinta.
22.Shirarkii beelaha ee ugu tirada badnaa intii Somaliland jirtay.
23.Shaanni la qarxiyo iyo shacab la argagixiyo.
24.Guryaha oo saqda-dhexe habeenkii ciidan ugu daataan shacab hurda.
25.Dhaxal-wareejintii ugu ba’nayd ee hantidii ma-guurtada ahayd ee qarankani lahaa.
26.Wadaaddo siyaasiyiin ah oo xaaraanta aan shan kabo la’ ka soo gaadhin.
27.Khilaafkii ugu adkaa ee soo dhex mara xisbi hoggaanka dalka haya.
28.In xisbiyada dhexdooda laaluush iyo reernimo lagu kala adkaado, halkii cod iyo doorasho lagu kala adkaan lahaa, marka ay joogto tartanka.
29.Hadallo macmacaan oo gole-kaga kac ah!
30.Kalgacal Xisbi oo lagu hungoobay.
31.Ay calan loo xidho.
32. Wasiir suxufi af-duubtay oo gurigiisa geystay, illaaladiisuna jidh-dishay, ‘Waran-cadde’
33. Wareegto-xilka-qaadis oo gaadhi caanoo le ah xukuumaddu u ugu dhiibtay.
34. Cashuur kordhin aan maan-gal ahayn.
35. Dalkii ugu badnaa ee ciidanka dhexdiisa gaar ahaanna Saraakiisha.
36.Wasiirro oo biri-ma-geydo ah oo isku hayb ah oo xilkoodu lama-taabtaan yahay.
37.Khilaafkii ugu weynaa ee taariikhda Jaamacadda Hargeysa Soo maray oo isla xukuumaddu ku lug lahayd.
38. Imaatinkii Juudi-keeli iyo Andarson-kuubar , oo u ololeynayay ‘dadka isku-jinsiga ah ee wax-iska-daya.’
39. Shaani-qarxin!
40. Ballamo beenoobay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip